Bari-RisaalaFM- Ciidamada maamulka Puntland ayaa soo afjaray dagaalkii shalay Shabaab ay ku qaadeen Degaanka Af-urur oo ku yaalla Duleedka magaalada Boosaaso.
Shabaab dagaalkaasi waxay ku sheegteen in ay ku dileen 61 Askari oo Puntland ka tirsan, Puntland warkaasi way beenisay waxayna sheegtay in ay iska difaceen, waxyeelada ugu badan ee Dagaalkana in ay soo gaartay dad shacab ah.
Xaaladda tuuladaasi ayaa maanta degan kaddib markii Ciidamada Puntland ay xaqiijiyeen ammaanka degaankaasi, waxaana halkaasi gaaray cutubyo ka tirsan ciidanka Puntland.
Ciidamada dowlad goboleedka Puntland ayaa haatan isu diyaarinaya sidii ay u xoojin lahaayeen ammaanka guud ee degaanka Af-urur oo ku yaalla Duleedka magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.


