DHAGEYSO: Is rasaaseyn ka dhacday Baydhabo iyo khasaaraha ka dhashay

Baydhabo-RisaalaFM- Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxaa ka dhacday Is rasaaseyn u dhaxeysay Ciidamo ka wada tirsan Koonfur Galbeed, sida uu soo sheegayo wariyaha Risaala ee magaaladaasi.

Israsaaseyntan ayaa si gaar ah uga dhacday goob raashiin lagu qeybinayay oo ku taalla wadada Sodonka ee magaalada Baydhabo xarunta Gobolka Baay.

Dadka Degaanka ayaa Risaala u sheegay is rasaaseyntan in ay timid kadib markii uu muran soo kala dhexgalay Ciidamo halkaasi ku wada sugnaa, kadib ay xabad isku bilaabeen.

Waxaa kaloo dadka degaanka ay inoo sheegeen in Ciidamada ay isku adeegsadeen Qoriga Dhashiikaha, dadkii halkaasi ku sugnaana ay soo wajahday cabsi mudo kooban.

Inta la xaqiijiyay is rasaaseyntan waxaa ku geeryootay in ka badan 10 Qof, kuwaas oo ka mid ahaa dadka kaararka heystay ee doonayay in ay qaataan Raashiinka goobta lagu qeybin rabay.

Sidoo kale tiro ku dhow 9 Qof ayaa ku dhaawacantay is rasaaseyntan, waxaana loo qaaday Isbitaalka magaalada Baydhabo, si xaaladooda caafimaad wax looga qabto.

Goor dambe ayaa waxaa halkaasi gaaray Taliyaha Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed Gen. Mahad C/raxmaan Aadan iyo saraakiil ciidan, iyaga oo kala dhex galay Ciidamadii halkaasi ku dagaalamay.

Siid Cali Muuse Maxamed ayaa khadka telefoonka waxa uu ugu waramay Maxamed Abuukar Dabaashe.