Guddoomiye Thaabit “Ciddii Muqdisho qashin ku shubta Shabaab ayuu la mid yahay”

Muqdisho-RisaalaFM- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed oo ka hadlayay howlaha Nadaafadda ayaa sheegay in uu dhamaaday wacyi gelinii bulshada loo sameynayay ee ku aadaneyd Nadaafadda.

Wuxuu sheegay cidii hada kadib lagu arko iyaga oo guryahooda inta qashin ka soo qaada kuna shuba meelo ka mid ah magaalada, in ay la mid yihiin xubnaha ka tirsan ururka Al-shabaab ee dilalka ka geysta magaalada Muqdisho.

“Maanta wixii ka dambeeya wixii wacyi gelin ah waan soo sameynay, qof laga aqbalaayo malahan qashin in hortiisa uu yaallo, ganacsade ha ahaado ama qof guri degan ha ahaado, qofkii lagu arko isaga oo qashin ku daadinaya meelo ka mid ah magaalada wuxuu la mid yahay Shabaabka dadka dila”.

Dadka reer Muqdisho ayaa ilaa hadda aanan fahmin ahmiyadda ay leedahay Nadaafadda, waxaana la arkayaa qaar ka mid ah bulshada oo inta guryahooda qashinka ka soo fogeeya kuna shubaya laamiyada quruxda badan ee magaalada.