Guddoomiye Thaabid oo Maanta booqanaya Xarumo muhiim ah

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Ambassador Thaabid Cabdi Maxamed ayaa Maanta lagu wadaa in uu booqdo qaar ka mid ah Xarumaha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa lagu wadaa in uu booqdo Talisyada Booliiska iyo Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir.

Koormeerka Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ku wehlinaya Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, ku Xigeenada Gobolka iyo qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka.

Ujeedka koormeerkaan ayaa ah sidii Guddoomiyaha Cusub uu usoo baran lahaa Xarumaha degmooyinka Gobolka banaadir iyo Maamuladooda.

Sidoo kale Ujeedka Koormeerka ayaa waxa uu la xiriiraa sida uu guddoomiyaha Cusub usoo arki lahaayeen shaqooyinka ay hayaan Maamulada iyo Talisyada kala duwan ee degmooyinka Gobolka Banaadir.

Waxaa soconaya qaban qaabada iyo diyaar garowgii ugu dambeeyay ee ku saabsan Xafladda uu Xilka kula wareegayo Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir.