Diyaarado dagaal oo duqeeyay degaanka Ceelcadde

Wararka naga soo gaaraya  degaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan diyaarado dagaal in ay duqeeyeen Saldhig Al-Shabaab ay kuleeyihiin degaan ku dhow Ceelcadde.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ay maqleen Qaraxyo xooggan oo ay aaminsan yihiin in ay yihiin duqeyn ay geysanayaan diyaarado dagaal.

Degaanka Yurkud ayaa la sheegay in xalay ay duqeeyeen diyaarado dagaal.

ilaa iyo hadda majirto cid xaqiijinkarta Khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi.

Waxii kusoo kordha kala soco Risaala.net