Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu waddaa in uu maanta Magaalada Muqdisho uu Shir kula qaato Madaxda maamul goboleedyadda.
Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamullada Dalka, arrimaha ammaanka iyo sidii Ajenda mideysan looga qaadan lahaa kulanka la filayo inuu dhawaan ka dhaco Magaalada London, kaas oo looga hadli doono arrimaha Soomaaliya.
Britain ayaa safka hore kaga jirta waddamada sida aadka ah u daneeya arrimaha Soomaaliya, waxanay Gacan weyn ka geysataa taageerada dhaqaale iyo tan Ciidan ee Dowladda Soomaaliya, iyadoo dhowr jeer Magaalada London ku qabatay shirar looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.



