Guddoomiye Mursal oo Arrimaha doorashooyinka kala hadlay Safiirka Sweden

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Maanta waxaa uu xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Sweden usoo magacoowday Soomaaliya  Per Lingarde.

lbada Mas’uul ayaa waxa ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha lagu dhameystirayo doorashooyinka dalka ka biloowday iyo xaqiijinta qoondada Haweenka ee doorashooyinka.

Guddoomiye Mursal ayaa uga mahad celiyay Saciirka Sweden sida dowladiisa ay taaveerada u siiso Soomaaliya, waxaana uu ka dalbaday inay kala Shaqeyso dhameystirka howlaha socda ee doorashooyinka.

Safiirka Cusub ee dowladda Swden u soo Magacaawday Soomaaliya oo Shaqa billaabay ayaa horay ula kulmay mas’uuliyiin kale oo ka yirsan dowladda Soomaaliya, waxaana inta badan ay ka wada hadleen arrimaha doorasbooyinka dalka.

Dowladda Sweden ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ay siisaa taageero kala duwan, waxaana mashaariic ay ka fulisay Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Maamul Goboleedyada dalka kajira.