Guddoomiye Cusub oo loo Magacaabay Gobolka Baay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii Gobolka Baay Cali Wardheere Cabdiraxmaan isaga oo magacaabay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Baay.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xilka Guddoomiyaha Gobolka Baay waxaa loogu Magacaabay  Cumar Cali Isaaq Balash.

Wareegtada laguma xusin sababta keentay xilka qaadista Guddoomiyihii Gobolka Baay ee mudada xilka haayay, balse kaliya la sheegay in go’ankaas lagu gaaray markii la ogaaday bahida loo qabo isbedel dhinaca Maamulka ah.

Gudoomiyaha Cusub ee gobolka Baay ee Maanta uu Magacaabay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa horay uga mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka 9-aad ee dowladdii uu hoggaaminaayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.