Guddoomiye Cusub oo loo doortay Magaalada Qardho

Magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar Puntland ayaa waxaa Maanta ka dhacday doorashada qof iyo Cod ah taas oo lagu doortay markii ugu horreeysay Guddoomiyaha degmadaas.

Doorashada ayaa waxaa ku tartamayay Ururka Kaah oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland, Ururada Mideeye ee uu hoggaamiyo Daahir Xaaji Khaliif oo horey wasiir uga soo noqday Puntland & SINCAD, waxaana guddoomiyaha degmada Qardho ku guuleystay Xubin katirsan Ururka Mideeye.

Cabdulqaadir Saciid Cabdi QAAL  oo ka socday Ururka (MIDEEYE) ayaa ku guulaystay Gudoomiyaha Degmada Qardho, isaga oo helay codad gaaraya ilaa 20 cod.

Halka Maxamed Faarax Cabdi (Buraale) oo ka socday Ururka Kaah lana tartamay uu  helay 13 cod.

Madax katirsan Puntland, Siyaasiyiin iyo qeybaha ka duwan ee Bulshada kunool degaannada Puntland ayaa u hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub ee degmada Qardho loo doortay.