Xubnaha Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka oo gaaray Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya Cabdullahi Abyan Nuur iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa Maanta gaarey Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay.

Xubno kamid ah Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa wafdiga guddoomiyaha xalinta khilaadka doorashooyinka kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo.

Xubnahan Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee Baydhabo gaarey ayaa ka kooban 6 xubnood ayaa goobjoog ka noqon doonaan Doorashada Xubnaha Aqalka sare ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo maanta ka bilaabmi doonta Magaaladda Baydhabo.

Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya Cabdullaahi Abyan Nuur iyo Xubno la socda ayaa dhawaan magaalada Kismaayo uga qeyb galay doorashada Afar kamid ah kuraasta aqalka sare ee ka imaaneysa degaannada Jubbaland.