Puntland oo Ciidamada uga digtay dhibaateynta Shacabka

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in mararka qaar ay dhici karto in Shacabka ay dhibaato kala kulmaan Ciidamada, balse taasi laga gudbayo.

Taliyaha oo hadal ka jeedinayay munaasabad ka dhacday Magaalada Boosaaso waxaa uu sheegay in Shacabka looga baahan yahay inay la Shaqeeyaan Ciidamada si looga digtoonaado dhibaatooyinka ka dhaca Gobolka oo qaarkood gaara Bulshada.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud sidoo kale waxaa uu sheegay in Maxkamadaha ay kaalin weyn ku leeyihiin ka hortaga dhibaatoyinka ay geeysanayaan Ciidamada, isla markaana dhawaan qabteen askar rasaas ku furay dad Shacab ah.

Hadalka Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamed ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli saacadihii la soo dhaafay Baraha Bulshada lagu faafinayay Ciidamo ka tirsan Puntland oo dhulka ku jiidaya, isla markaana si arxan darro ah ula dhaqmaya Haween daawasho u tegay Ciyaar kubadda cagta ah ee ka dhaceysay Magaalada Garoowe.