Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe oo gaaray degaano lagu dagaalamay

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ahna Duqa Magaalada Jowhar Axmed Mayre Makaraan ayaa tagay dhul beereed ay isku heesteen beelo walaalo ah oo wada dega deegaano hoosyimaada Jowhar

Guddoomiyaha ayaa goobta kula kulmay Odoyaasha dhaqanka labada dhinac si uu Warbixin uga dhageysto labada dhinac

Gudoomiyaha ayaa sheegay in loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo derisnimada iyo wada noolaashaha Bulshada

Waxaana uu sheegay in Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe uu gogol nabadeed u fidin doono Bulshada labada dhinac.