DHAGEYSO: Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo ka hadlay shirka Jabuuti

Muqdisho-RisaalaFM- Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa sheegay shirka Jabuuti ay ku leeyihiin Madaxda Galmudug iyo Ahlusuna inuu yahay shir isbrasho ah oo keliya u gogol xaaraya shirar kale oo soo socda.

Wuxuu sheegay inuusan shirkaasi aheyn wada hadal rasmi ah oo ay wada galayaan Galmudug iyo Ahlusuna, isaga oo sidoo kale tilmaamay shirkii Nairobi isaguna inuu ahaa mid iska caadi ah oo uusan aheyn mid rasmi ah.

Sidoo kale Cali Gacal Casir Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Maamulka Galmudug ayaa sheegay hadii heshiis lagu gaaro dalka Jabuuti inuusan aqoonsan doonin wixii ka soo baxa.

Shirka Jabuuti ay ku leeyihiin Madaxda Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna ayaa waxaa gar wadeen ka ah Urur Goboleedka IGAD.

Shalay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti waxaa wada gaaray Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) iyo ku xigeenkiisa iyo sidoo kale Madaxweynaha Ahlusuna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, halkaasi oo ay ku leeyihiin shir dib u heshiisiin ah.