Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa lagu waddaa in ay maanta Warbixin ka dhageystaan Guddiyadda Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Xildhibaanada Aqalka Sare.
Guddiyadda ayaa horay waxaa loogu diray in ay soo baaraan dagaalada ka socda degaanka Xeraale iyo sidoo kale Duqeyn dhawaan ka dhacday Magaalada Jilib degaan u dhow oo la sheegay in lagu dilay dad Shacab ah.
Waxaa lagu waddaa in ay xildhibaanada Aqalka Sare in ay uga warbixiyaan duqeyntii diyaaradaha Mareykanka ay ka geysteen Jilib iyo sidoo kale dhibaatada lagu haayo Shacabka ku nool degaanka Xeraale.
Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa horay u sheegay in duqeyntii ka dhacday Jubbada Dhexe lagu dilay Shacab.
Waxii kusoo kordha kala soco Risaala.net


