Guddigii loo xil saaray dhacdadii Bariire oo maanta Warbxin u gudbinaya Madaxda sare

Guddigii loo xil saaray dhacdadii ka dhacday degaanka Bariire in ay soo baaraan ayaa lagu waddaa Saacaddaha soo socda in ay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyaan dadkii lagu laayay Bariire waxa ay ahaayeen.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa Gudoomiye u ah Guddigaasi.

Waxaa loo qabtay Guddigaasi Muddo dhan Shan maalin in ay kusoo baaraan dadkii lagu dilay Bariire oo xubno ka tirsan dowladda ay Shabaab ku tilmaameen kuwo kalena ay ku tilaameen Shacab.

Meydadka dadkii lagu laayay Bariire ayaa wali la aasin, waxaana laga war sugaya Baarista ay dowladdu ku dhawaaqday.