Guddiyada doorashooyinka oo Saddex Bilood mushaar qaadan

Afhayeenka guddiga doorashooyinka Soomaaliya Axmed Safiina ayaa sheegay in muddo saddex bilood ah aysan qaadanin wax mushahaar ah, iyada oo ay xusid mudan tahay in guddiga ay kor joogto ka ahaayeen doorasbooyinkii ka dhacay dalka.

Afhayeenka oo Wareysi siiyay BBBC-da wuxuu sheegay in guddiga uu soo food saaray dhaqaale yari baahsan, balse doorashada dalka ay si dsrdar leh ku socoto.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Guddiga Maaliyadda doorashada oo uu dejiyay inay aheyd in ka badan labaatan & lix Milyan oo dollar oo todobo Milyan oo kamid ah ay mu deeqeen Beesha Caalamka, lacag ka imaaneysay  Musharrixiinta Xildhibaannada mid ay bixineyso Xukuumadda Soomaaliya, balse intaas oo dhan ay dhamaadeen welina ay jirto caqabad la xiriirta doorashada.

Afhayeenka guddiga doorashooyinka Soomaaliya Axmed Safiina wuxuu sheegay in mushaaraadka Guddiyada doorashooyinka iyo Hoteelada ay degan yihiin ay bixineysay Hay’adda UNDP ayna ku ekeyd Bishii Octoober, isla markaana Gudsiyada muddo Saddex Bilood ah aysan qaadan wax mushaar ah.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in Beesha Caalamka ay shuruud uga dhigeen bixinta dhaqaalaha doorashada in la qabto Saddex meelood  laba meel doorashada iyo in la dhameystiro Qoondada Haweenka ee Baarlamaanka.

Warkaan kasoo baxay Afhayeenka Guddiga doorashooyinka ayaa kusoo aadayaa xilli maalmihii la soo dhaafay aad loo hadal haayay in Guddiga doorashooyinka ay soo wajahday dhaqaalo la’aan, isla markaana aysan qaadan wax mushaar ah.