Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim ayaa furay kulankii ugu horreeyay Guddiga isku dhafka ah ee ka shaqaynaya Doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya, kuwaas oo maanta iska dhex dooranaya Guddoomiyaha Guddigaas.
Sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshiroow iyo labada Xoghaye ee Baarlamaanka.
Murashaxiinta Xilka Guddoomiyaha ayaa waxaa ay kala yihiin.
1.Xildhibaan Maxamed Axmed Beereey
2.Senator Cabdiqani Geele Maxamed.
3.Senator Cabdi Ismaaciil Samatar.
Murashaxiinta Guddoomiye ku xigeenka ayaa iyana waxaa ay kala yihiin.
1.Senator Ibraahim Owgaab Cismaan
2.Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed
- Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimoow
Xubnaha Guddiga ayaa waxaa laga sugayaa diyaarinta iyo qaban qaabinta doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, iyaga oo soo saari doona jadwalka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.



