Guddiga Kheyraadka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo gaadiidka ee Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay Shirka shidaalka Soomaaliya ee la qorsheeyey inuu London ka dhaco 7-da Febraayo.
Ilyaas Cali Xasan Guddoomiyaha guddigaasi War kasoo baxay Xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in shirkan uu yahay sharci-darro, islamarkaana Soomaaliya aysan qaban karin shir noocan oo kale ah ilaa laga ansixiyo sharciga shidaalka dalka.