Waxa ay sheegeen Dagaalka Gaalkacyo in ay ku dhinteen dad aad u fara badan, sidoo kalena ay ku barakaceen, loona baahan yahay in si deg deg ah loo joojiyo Dagaalka, si dadkii barakacay ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.
Golaha Abwaanada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale waxa ay Madaxada Maamullada Puntland iyo Galmudug ugu baaqeen in ay kala qaadaan Ciidanka is horfadhiya, si loo dhaqan geliyo xabad joojinta laga gaaray Dagaalka Gaalkacyo.
Ugu dambeyntii Golaha Abwaanada Soomaaliyeed ayaa waxa ay sheegeen in Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ay u diri doonaan Guddi kala dhex gala labada dhinac.


