DHAGEYSO WAREYSI: Gudoomiyaha Buur-hakaba oo u geeryoodey dhaawac soo gaaray

Gudoomiyihii degmada Buurhakabo ee Gobolka Baay Maxamed Nuur Abdiyow ayaa saaka u geeriyooday Qarax dhawaan ay Al-Shabaab ay  kula eegteen meel ku dhow howgiisa degmada Buurhakaba.

Gudoomiyaha oo dhawaan howlo caafimaad loo keenay Magaalada Muqdisho ayaa ku geeriyooday isbitaalka Digfeer sida ay idaacadda Risaala u sheegeen Maamulka Degmada.

Maxamed Ibraahim Cabdulle Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska degmada Buurhakaba oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in gudoomiyaha uu saaka ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.