Micheal Keating oo la kulmay Guddiga Doorashada Puntland

Garowe-RisaalaFM- Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya Micheal Keating oo maanta gaaray Magaalada Garowe ayaa la kulmay Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Puntland.

Micheal Keating Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya ayaa Guddiga Doorashooyinka Maamulka Puntland waxa uu ka dhageystay warbixin ku saabsan Geeddi socodka arrimaha Doorashooyinka iyo halka ay marayaan soo xulista xildhibaanada Aqalka Hoose.

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Mamulka Puntland iyo Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa ka wada hadlay arrimaha Doorashooyinka iyo qaabka loo dar dar gelin lahaa.

Maamulka Puntland ayaa dhowaan doortay qaar ka mid ah xildhibaanada u matalaya Aqalka Hoose ee Baarlamaanka soo socda, waxana weli harsan kuwo kale oo maalmaha soo socda ay soo dhameystiri doonaan.