Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa suuqa ka raadinaysay weeraryahan tayo leh tan iyo markii uu kooxda ka dhaqaaqay Cristiano Ronaldo.
Xidigaha kooxda Bernabeu lala xiriirinayay ayaa waxaa kamid ah weeraryahanka kooxda Chelsea Eden Hazard, kaas oo loo arko baddalka saxda ah ee kabtanka Portugal.
Hazard ayayna Real Madrid suuqa kabaadi goobaysay tan iyo xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay iyaga oo uu muujiyay sida ay ugu baahan yihiin xidiga labmarka 10-aad u xirga Blues.
Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta ayaa isla dhex qaadday warar sheegaya in Real Madrid ay lumin doonto qaar Kamid ah xidigaheeda ugu muhiimsan, haddii ay kooxdu dhammaystirto saxiixa Hazard.
Majaladda laga aqristo gudaha Spain ee Don Balon ayaa daaha ka qaadday in xidigaha Gareth Bale, Marco Asensio, Isco iyo Lucas Vazquez ay suurta gal tahay in ay isaga dhaqaaqaan Madrid haddii uu kooxda kusoo biiro Eden Hazard.
Warkan ayaa ka dhigan in kooxda caasimadda ay waajib ku tahay in kala doorato Eden Hazard iyo afartan ciyaaryhan oo ay macquul tahay i ln kooxda faarujiyaan haddii uu kooxda yimaado kabtanka Belgium.



