Goolhayaha kooxda Chelsea Thibaut Courtois ayaa kooxdiisa uga digay inay ka feejignaato wax walba oo u keeni kara inay dhibco lumiso.
Goolhayahan heer caalami ee qaranka Belgium, oo 24-sano jir ah, ayaa hadda waaayo wanaagsan kula qaadanaya kooxdiisa iyadoona Blues ay haatan hogaanka ku heyso todobo dhibcood oo nadiif ah, kadib barbarihii xalay ay Liverpool la gashay Manxchester United.
Waxa uuna sidoo kale ka hadlay wararakla sheegaya in laacibka Diego Costa uu ka tagayo Chelsea iyo in ay kooxdu u baahan tahay weeraryahankan.
Costa ayaana ka mid ahayn ciyaaryahanadii kooxda Leicester City ku garaacday garoonkeeda King Power Stadium.
“Waxaad ogtihiin in kooxo waa weyn ay inoo dhiman yihiin sida Arsenal, Liverpool, Manchester United iyo Manchester City, isbuucii hore waxaa naga badisay Tottenham, balse waan ikasoo kabsanay hadda, kaliya waa inaan ka taxadarnaa inaysan nagu dhicin sidaas oo kale”.
“Dabcan waxaan heysanaa tayo ku filan weerarkeen bedelka Diego, Balse Diego waa inoo muhiim markasta inaan heysano, waayo waa xidig wax badan naga saacidi kara” ayuu hadalkiisa kusoo koobay.


