Pierre-Emerick Aubameyang oo ka hadlay Mustaqbalka kooxdiisa Borussia

Weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda isagoona sheegay inuu hadda ku faraxsan yahay sii joogitaanka garoonka Gudson Park,    Aubameyang oo hadda kala qeyb galaya xulkiisa Gabon koobvka Africa Cup of Nations ayaa dhaliyay goolkii furitaanka koobkan.

Aubameyang, oo ah 27-sano jir, ayaa horay u sheegay inuu jeclaan lahaa inuu xerto mar uun Fanaanada kooxda Real Madrid mustaqbalka, balse waxaa sidoo kale bartilmaameed uu u ahaa laacibkaan kooxaha Egland ka dhisan ee Arsenal iyo Manchester United maalmihii lasoo dhaafay.

Si kastaba, Aubameyang ayaa niyada ka jabiyay hadda kooxaha xiiseynaya saxiixiisa, isagoona u sheegay inuu ku riyaaqayo nolosha Dortmund, isagoona saxaafada u sheegay “Waan ku faraxsanahay inaan joogo kooxdeyda Dortmund” isagoona jadalkiisa kusoo gabagabeeyay “ Waqtigaan maahan waqti ku quman inaan ka tago kooxdeyda, balse waxaa idiin sheegayaa mar uun inaan ku biirayo koox weyn sida  Real Madrid oo kale”.