Baydhabo-RisaalaFM- Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo maanta dib ugu laabtay Magalaada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxa uu ka hadlay Doorashooyinka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay Xildhibaanada Koonfur Galbeed in ay balanta uga baxeen, maadaama hamigiisa ugu sareeya uu ahaa in Koonfur Galbeed ay hesho Madaxweyne ama Ra’iisul wasaare.
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in koonfur Galbeed ay waligeed wadi doonto isbedel lagu sameeyo kuraasta ugu sareysa ee dalka, taasina mar walba ay ku dadaali doonaan.
Shariifka ayaa sheegay in ay doonayaan dalkan in ay u soo laabato Dowladnimadiisa, sharaftiisa, midnimadiisa iyo karaamadiisa, maadaama Soomaaliya ay ahaan jirtay Dowladaha Afrika ugu xoogga badan.


