Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa gudoomiyay Shirka aan caadi ahayn oo ay yeesheen Golaha Wasiirada Hirshabeelle, kaas oo ka qabsoomay Magalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe
Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay Howlgallada dalka looga saarayo Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Hirshabeelle iyo dadaalada dowladda iyo shacabka ay isaga dulqaadayaan Al-Shabaab oo uu maamulku sheegay inay halista ku yihiin nolosha iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed.
Golaha Wasiiradda ayaa bogaadiyay qabashada iyo ka xureynta Al-Shabaab degmada Ruunir-good ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo dhammaan degaannada kale.
Golaha Wasiirada ayaa ka dooday soo jeedinta dhismaha degmooyin cusub oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyadoo goluhu ay dood adag ka yeesheen hirgalinta dhismaha degmooyinka cusub waxayna Golaha Xukuumada meelmariyeen degmooyinka Gamboole iyo Farlibaax inay ka mid noqdaan degmooyinka cusub ee Hirshabeelle.



