Golaha Wakiilada Somaliland oo Xeerar Cusub Ansixiyay

Magaalada Hargeysa waxaa Maanta oo Talaado ah kulan ku yeeshay Xildhibaannada Golaha Wakiilada Somaliland, iyaga oo ansixiyay Xeeray ay u soo gudbiyeen 16 kamid ah Xubnaha Golaha Wakiilada.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 60 mudane, waxaana Golaha ay ansixiyeen xeerka shaqaalaha Dawlada iyo xeerka sahaminta Shidaalka.

Xeerarka cod gacan taag ah  lagu ansixiyey ayaa waxa u codeeyey 58 xildhibaan, waxaa diiday 1 xildhibaan, sidoo kale waxaa ka aamusay 1 xildhibaan, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland.

Xubnaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maalmaha soo socda waxaa ay yeelan doonaan kulamo isdaba joog ah, waxaana horyaalla xeerar dhowr ah, kuwaas oo maalmaha aoo socda ay meel marin doonaan.