Golaha wadatashiga Qaran oo la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan Xubnaha kale ee Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kulan la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen dardargalinta doorashooyinka dalka.

Ra’ iisul Wasaare Maxamed Rooble ayaa sheegay in ay ka go’n tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gebo-gebeeyo doorashada, iyadoo turxaan bixinta iyo toosinta wixii ka soo laabtay lagala tashanayo dhammaan dhinacyada ay khuseyso sida Midowga Musharixiinta, Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo daneeeyeyaasha kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Beesha Caalamka uga mahadceliyay taageeradooda dowlad-dhiska Soomaaliya, isaga oo balan qaaday in doorashada ay ku qaban doonaan si cadaalad ah.

Shirka Golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka ayaa sidoo kale la filayaa inay qeyb ka noqdaan Xubno ka tirsan Midowga Musharrixiinta igo Bulshada rayidka si dhinacyadu u qaataan go’aan mideysan oo la xiriira doorashooyinka.