Go’aamo culus oo kasoo baxay Golaha Wasiirada Puntland

Madaxweynaha  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka  Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay, Sarifka Lacagaha, Xeerka Cod-bixiyeyaasha Puntland, Xeerka dib-u-eegista Xafiiska Guud ee Puntland, Saamaynta duufaantii GATI, Xaaladda Ayaxa iyo Hab-raaca samaynta siyaasadaha Hay’addaha Dowladda.

Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey Xeerka Cod-bixiyeyaasha Puntland oo ay Golaha usoo gudbisay Guddiga Ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland, Xeerkan oo laf-dhabar u ah hirgelinta qorshaha dimuqraadiyadda Puntland waxaana loo gudbin doonaa Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa Golaha uga warbixisay cabashooyinka la xiriira sarifka lacagaha, dood kadib Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu go’aamiyey:

  1. In laga billaabo (05 December 2020) $1 iyo wixii ka yarba aan lagu diri karin adeegyada mobile-ka ee lacag-ta danabeysan, sida SAHAL iyo E-Dahab.
  2. Waxaa la faray dhammaan xafiisyada Dowladdaha hoose ee degmooyinka in cashuurta ay ku qaadi karaan Shillin Soomaali sidii ay hore u aheyd.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka duulaya warbixin ay Golaha la wadaagtay Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada, ayaa Guddi heer Wasiiro ah u magacaabay  Ayaxa iyo saameynta  uu ku yeelanayo Deegaanada Puntland.

Golaha ayaa loo qeybiyay Xeerka dib-u-eegista Xafiiska Garyaqaanka Guud iyo Hab-raaca sameynta Siyaasadaha Hay’addaha Dowladda Puntland, si ay usoo akhriyaan loogana doodo kulamada danbe ee Golaha Wasiirada.

Sidoo kale waxaa Goluhu warbixin ka dhegaystay Guddiga xaaladda ka dhalatay duufaanta GATI ee saameysay deegaanada Puntland, Madaxweynaha Puntland ayaa faray dhammaan Hay’addaha dowladda inay guddiga kala shaqeeyaan ka  gurmadka loo fidinayo dadkii waxyeeladu gaartay.