Dowladda oo sheegtay inay ka hortageyso in markale laga qaxo Beledweyne

Wasiirka Wasaaaradda Arrimaha gudaha iyo faderaalka ee xukuumada Soomaaliya Janeraal Muqtaar Xuseen Afrax oo maanta gaaray Magaalada Beledweyne ayaa halkaasi kaga dhawaaqay inay ka hortagayaan in markale dadka Reer Beledweyne ay qaxaan.

Waxaa uu sheegay in sanad walba dadka Reer Beledweyne ay ka qaxaan fataahad uu sameeyo Wabiga Shabeelle ee mara gobolka Hiiraan, balse dowladda Soomaaliya ay juhdi farabadan gelineyso inay ka hortagto fatahaada.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray Wasiirka Wasaaaradda Arrimaha gudaha iyo faderaalka ee xukuumada Soomaaliya Janeraal Muqtaar Xuseen Afrax in uu diyaar yahay mashruucii looga hortegi ahaa fatahaada iyo qorshooyin kale oo loogu talo galay Bulshada Gobolka.

sanadk kasta tiro laba jeer ah ayaa dadka ku nool Magaalada Beledweyne waxaa saameyn ku yeesha fatahaad uu sameeyo Wabiga, iyaga oo u barakaca degaanka Ceel-jaale ee duleedka Magaalada Beledweyne, halkaas oo ay ku qabsadaan dhibaatooyin kala duwan.