Cabdiraxman Dhoore oo kamid ahaa Xildhibaanadii 8-da gaarayay ee Maanta Baarlamaanka Puntland ay kalsoonida kala noqdeen ayaa sharci darro ku tilmaamay Go’aankii Xildhibaannada puntland.
Waxaa uu sheegay in ujeedada laga leeyahay waxa dhacay ay tahay in Dowladda Soomaaliya la geysto xildhibaano lagu adeegto oo fuliya danta laga leeyahay.
“Waxa dhacay sharci darro aan Adduunka, meelna kaga ool, waxaa xilka na looga qaaday in Dowladda Soomaaliya la geysto xildhibaano lagu adeegto, hadii Sharciga gacmaha lagu qaatay anagana lugaha ayaan ku qaadaneynaa ayuu yiri” Cabdiraxman Dhoore
Sidoo kale waxaa wax laga weeydiiyay in ay tagayaan hadii maxkamadda looga yeero,waxaana uu sheegay in waraabihii oo kale ay u tagayaan, isaga oo waxba kaam jiraan ku tilmaamay xasaanad ka xayuubintii ay ku sameeyeen Baarlamaanka Puntland.
Xubnihii ka tirsanaa Baarlamaanka puntland ee maanta xasaanada laga qaaday ayaa waxaa ay ahaayeen kuwo siwyen u mucaaradsanaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdi rashiid Yuusuf Jibriil, isla markaana doonayay in xilka laga qaado.



