Waxaa goordhow isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxriistee Gen. Sheegow Axmed Cali oo muddo u xirnaa dowladda Soomaaliya.
Sheegoow ayaa xanuunsanayey maalmihii la soo dhaafay, sida ay xaqiijiyeen ehelkiisa, taasoo keentay in la dhigo Isbitaalka oo uu danbeyn ugu geeriyooday.
Sheegow ayaa November 2023 horay loogu Xukumay Bixinta Diyada Sakariye Maxamed Cali oo ku baxay Fal-celintiisa iyo magdhow siinta sarkaal xigeen Cabdullaahi Xuseen Cabduqaadir oo uu dhaawacay, Waxaa Sidoo kale lagu xukumay 10-sano oo Xabsi Ciidan.
Allaha u naxriisto.



