Beesha Caalamka oo ku baaqay in ay deg deg u kulmaan madaxda DF, Maamul goboleedyada iyo Saamileyda Siyaasada.

War ka soo baxay Xubnaha Beesha Caalamka ayaa waxaa ay ku soo dhaweeyeen gogosha wadatashji uu dhawaan ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo ahaa inuu isugu yeerayo hoggaamiyeyaasha Siyaasada Soomaaliyeed.

 

“Waxay soo dhoweynayaan soo-jeedinta lagu qabanqaabinayo madal ay iskugu yimaadaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo in aragtiyadooda iyo dadaalladooda ay qeyb uga noqdaan la dagaalanka argagixisada iyo dhismaha hannaan dowladeed oo dimuqraadi ah kuna dhisan nidaam federaal ah, Waxaan kale oo aan  soo dhoweyneynaa jawaab-celinta togan ee siyaasiyiin Soomaaliyeed ee hormuudka ah ay ka bixiyeen gogoasha uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya.” Ayaa lagu  yiri qoraalka.

 

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa soo jeediyay in si deg deg ah ay u kulmaan madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa maamul goboleedyada, saamileyda Siyaasadeed iyo ururada Bulshada Rayidka ah, si loo mideeyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada iyo go’aan wadajir ah laga qaato arrimaha siyaasada qaranka, Dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka.

 

“Waxaan ku boorrinaynaa Dowladda, Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, iyo saamilayda siyaasadeed iyo kuwa bulshada inay si dhakhso leh u kulmaan si loo xaqiijiyo fal-celin midaysan oo wax-ku-ool ah oo ku aaddan dagaalka socdo ee Al-Shabaab, fal-celintaas oo ah arrin mudnaan degdeg ah u leh amniga qaranka. Tallaabo degdeg ah oo ku salaysan go’aan cad oo ay qaadaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed, ayna u qaadaan dhanka arrimo ay ku jiraan arrimaha muhiimka ah ee siyaasadda qaranka, dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka, ayaa suurta gelinaya in saaxiibada [caalamku] ay bixiyaan taageero dheeraad ah.”

 

Wadamada soo saaray qoraalka ayaa waxaa ka mid ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), Austria, Belgium, Denmark, Jabuuti, Masar, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Hungary, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Ruushka, Spain, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

 

Xubnahan Beesha Caalamka ayaa balanqaaday in ay sii wadi doonaan garab garab istaaga iyo taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya.