Madwxwayne hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku baaqay in Baaritaan lagu sameeyo Sababta ka dambeysay geerida Gen Sheegow Axmed Cali oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho
“Madaxweynaha Jamhuuriyada waxaan ugu baaqaynaa in uu tixgeliyo cabashada qoyska Sarkaalka geeriyooday iyo ehelada dhallinyarada maxaabiista ah ee wehelinaysay, sidoo kale waxaa muhiim ah in la sameeyo baaritaan deg deg ah oo ku saabsan duruufaha uu u geeriyooday Marxuumku”
Qoraalka ayaa u qornaa sidan:-
Tacsida iyo murugada waxaan la qeybsanayaa qoyska, ehelada iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariisto, Marxuum Sheegow Axmed Cali oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyada waxaan ugu baaqaynaa in uu tixgeliyo cabashada qoyska Sarkaalka geeriyooday iyo ehelada dhallinyarada maxaabiista ah ee wehelinaysay, sidoo kale waxaa muhiim ah in la sameeyo baaritaan deg deg ah oo ku saabsan duruufaha uu u geeriyooday Marxuumku.
Alle waxaan uga baryayaa Sarkaalka in uu ku mannaysto Jannatu Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo qarankiisa.
-DHAMMAAD-



