Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho maanta waxaa Aas Qaran loogu sameeyay Allaha u naxariistee General Maxamuud Maxamed Guuleed oo ahaa Talliyihii hore ee Ciidanka Cirka Soomaaliya iyo Gudoomiyihii shirkadda Somali Airlines oo ku geeryoodey Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.
Taliye Maxamuud ayaa waxaa Aas Qaran loogu sameeyay xarunta Ciidanka Cirka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.
Aaska Talliyihii hore ee Ciidanka Cirka Dowladda Federaalka Soomaaliya General Maxamuud Maxamed Guuleed ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Wasiiro, xildhibaano, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.
Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya Maxamuud Sheekh Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu horeyn ka sheekeeyay Taariikhda uu ka garanayo Marxuumka geeryoodey.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaar) oo qeyb ka ahaa Mas’uuliyiintii ka qeyb gashay Aaska ayaa waxa uu sheegay muhiim in ay tahay in la cafiyo Marxuumka, sidoo kalena loo duceeyo.
Allaha u naxariistee Talliyihii hore ee Ciidanka Cirka Soomaaliya General Maxamuud Maxamed Guuleed ayaa 7-dii Bishan ku geeryoodey Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.


