Cadaado-RisaalaFM- Magaalada Cadaado maanta waxaa ka dhacday Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Degaanada Maamulka Galmudug.
Doorashadan oo saakay ka bilaabatay Magaalada Cadaado ayaa waxaa lagu doortay Hal kursi oo keliya, waxaana Doorashada ay aheyd mid xiiso badan.
Kursigan ayaa waxaa ku soo baxay Faarax Cabdi Xasan oo helay 44 cod, kadib markii uu ka guuleystay Aamino Daahir Daahir Salaad oo heshay 2 cod.
Ergada maanta codeysay ayaa waxa ay gaarayaan ilaa 46, waxaana kursigan uu noqonayaa midkii 34-aad.
Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Maamulka Galmudug Yuusuf Diiriye Maxamuud ayaa ku dhawaaqay natiijada kursigii maanta lagu doortay Magaalada Cadaado.
Doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Cadaado ayaa la soo gaba gabeyn doonaa Todobaadka soo socda sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug iyo Gudiga Doorashooyinka heer Maamul Goboleed.


