DHAGEYSO: Mas’uuliyiin komeer ku tagtay Goof-gaduud

Baay-RisaalaFM- Degaanka Goof-gaduud Shabeelow oo 30-KM ujira Magaalda Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay maata waxaa gaaray Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Wafdigan ayaa waxa ay isugu jiraan Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Gobolka Baay, Saraakiil Ciidan iyo xubno oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Ujeedka wafdigan ay u gaareen Degaankaasi ayaa waxa ay tahay sdii ay u soo qiimeyn lahaayeen xaalada Degaanka Goof-gaduud oo shalay uu ka dhacay Dagaal culus.

Ciidamo gaaraya 120 Askari ayaa waxaa la gaarsiiyay Degaanka Goof-gaduud Shabeelow oo marar badan ay weeraro kala duwan ku soo qaadeen Dagaalyahanada Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Baay Korneel Mahad ayaa waxa uu sheegay in saldhigyo ciidan laga hirgelin doono Degaanka Goof-gaduud, si looga hortago weerarada Shabaab.

Wasiirka Hub ka dhigista iyo Dhaqan celinta Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) iyo Gudoomiyaha Gobolka Baay C/rashiid C/laahi Maxamed ayaa Ciidanka Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed waxa uu kula dar daarmay in ay sugaan amniga.