Cadaado-RisaalaFM- Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya G/dhexe Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa maanta booqasho ku tagay Magaalada Cadaao.
Gaashaanle Dhexe Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Cadaado ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dawlad Goboleedka Galmudug.
General Koofi ayaa kormeeray qaybta socdaalka ee Airporka Magaalada Cadaado, waxaana kadib uu kulan la qaatay Madaxwayne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo xafiiskiisa ku soo dhaweeyay.
Taliyaha Laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Dowlada Federaalka Soomaaliya G/dhexe Maxamed Aaden Jimcaale (Koofi) ayaa sheegay in safarkiisa Cadaado uu la xiriiro hormarinta hawlaha shaqo Laanta Socdaalku qabto.
Madaxwayne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa isna sheegay in isku xirka hawlaha Garoomada Diyaaradaha iyo hormarinta Laamaha Socdaalka iyo jinsiyaduhu ay qayb ka qaadan karto Xaqiiinta Amniga guud ahaan dalka.


