Qandala-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Maraakiib Dagaal ay Duqeyn ku garaaceen gudaha Degmada Qandala oo ay ku sugan yihiin kooxda Daacish.
Waxaa la sheegay Dadkii ugu badnaa ee Degmada in Dooman iyo Maraakiib looga daad gureeyay Qandala, oo la geeyay Magaalada Boosaaso iyo Magaalooyin kale, si ay uga nabad galaan Duqeynta lagu garaacayo Degmada Qandala.
Wararka waxa ay tilmaamayaan Maraakiibta Dagaal ee Duqeynta fulineysay in ay yihiin kuwa Ciidamada NATO ee ku sugan xeebaha Soomaaliya, halkaasina u jooga la dagaalanka Burcad badeeda.
Gudoomiyaha Degmada Qandala ee Gobolka Bari oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay Maraakiibta Dagaal in ay duqeeyeen goobo ay ku sugnaayeen kooxda Daacish.
Dhinaca kale wararka ayaa waxa ay sheegayaan Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland oo ku socda dhulka in ay ku dhawaadeen halkaasi, si ay Dagaal ula galaan kooxda Daacish.


