Garowe-RisaalaFM- Guddiga Doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Maamulka Puntland ayaa maanta waxa ay Magaalada Garowe ka bilaabeen Diiwaangelinta Ergooyinka Doorashada.
Guddigan ayaa maanta saxaafada u sheegay in la dhameeyay waxyaabihii mad madowga ahaa ee ka taagnaa Diiwaangelinta Ergooyinka Doorashada, waxaana ay sheegeen in qorshaha uu yahay maanta ilaa iyo berri in Ergooyinka la siiyo ID-kaaradooda.
Waxa ay sheegeen in ay jiraan kuraas weli murano uu ka taagan yahay, laakiin maalmaha soo socda lagu dhameyn doono wada hadal lala yeelan doono Odayaasha Dhaqanka.
Xubnaha Guddiga khilaafaadka ee Maamulka Puntland ayaa horey hakad u geliyay 5 beelood Ergooyinkii ay soo gudbiyeen.


