DAAWO SAWIRADA: Rag dil geystay oo lagu soo bandhigay Wadajir

Ciidamada Ammaanka degmada Wadajir ayaa gacanta ku dhigay iyaga iyo hubkoodaba laba nin oo xaafadda Xaawo Taako ee degmadaasi ku dilay Nabadoon lagu magacaabi jiray Nabadoon Hilowle Xaafow, xilli uu ka soo baxayey Masaajid ku yaalla xaafadaasi.

Goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa gaaray guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Taliyayaasha hay’adaha ammaanka ee gobolka iyadoo kooxihii dilkaasi geystay iyo hubkoodaba ay la wareegeen Ciidammada Ammaanka.

Tallaabada ay qaadeen ciidammada degmada Wadajir oo kaashanaya shacabka ayaa si weyn loo soo dhoweeyey, waxaana la sii dhiirigeliyey in la sii xoojiyey iskaashiga noocaan oo kale ah.

 
1q 2q 3q 4q 5q