Waxaan saaka ka soo amba baxay Muqdisho anigoo ka mid ah wafdi isugu jira Mas’uuliyiin dowladeed, culimaa’udiin, Oday dhaqameedyo iyo Saxafiyiin, oo ku sii jeeda gudashada Xajka.
12:40 PM ayaan gaarnay garoonka diyraaradaha ee Cigaal International Airport ee Hargeysa.
Sidii naloo soo dhoweeyay ayaa rajo iyo riyaaq i galisay. Dad badan ayaa loogu sheekeeyay in madaxda sare iyo dadka u shaqeeya dowladda Soomaaliya aan laga soo dhoweyn Somaliland ama laba xiro.
Waan ogaa in aysan u jirin sida loo buunbuuniyo balse waxaan dareemay macnaha sokeeyenimada si kasta oo wax la isugu diiddannyahay.
Waxaa naloo soo dhoweeyay si sharaf leh, waxaana nala geeyay VIP-da garoonka Cigaal International Airport -Ogow kama aynaan soo bixin VIP-da Garoonka Aden Cadde ee Muqdisho-
Si wanaagsan ayaa naloo sooray. Madaxda ugu sarreysa Madaarka Hargaysa, 3 waziir oo uu hormuud u ahaa Waziirka Awqaafta Somaliland Khaliil Cabdullaahi Axmed, ayaa na soo salaamay nana soo dhoweeyay. Xoghayaha gaarka ah ee madaxwenaha Somaliland ayaa isna na soo booqday oo na soo gaarsiiyay salaanta madaxweyne Siilaanyo.
Wasiirradii, maareeyeyaashii iyo saraakiishii nala kulmay waxay noo muujiyeen Soomaalinimo, Xushmad iyo Martinsoor gobeed.
Waxay si cad oo af iyo ficilba leh u muujiyeen in irdhowga siyaasiga ahi uusan gelin ehelnimada iyo Soomaalinimada.
Hadda oo aan sadarradan qorayo waxaan joogaa garoonka Addis Ababa ee Ethiopia, halkaas oo aan cidina aqoonsi, maamuus iyo taban taabo gaar ah na siin maqaam kastoo aan leenahay inkastoo aan waxba naloo dhibin.
Farqigaas ayaa u dhexeeya dhul iyo gayi Soomaaliyeed iyo mid shisheeye. Waa kaas farqiga u dhexeeya sokeeye iyo shiaheeye.
Waxaan soo xusuustay maansadii Gurmd ee uu tiriyay AHUN Abwaan Gaarriye oo ay tudceheeda ka mid ahayd
Galool Muray oo Farcamay
Nudaha Goonyaha u fiday
Haddey kala gaar yihiin
Guntey ka mideysan yiin.
Mahadsandiin Walaalaha Somaliland waxaan idiin rajeynayaa horumar iyo barwaaqo waarta.







