War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin culus loogu diray dadka ku howlan boobka iyo ku-xadgudubka dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS), gaar ahaan Xaruntii Adeegga Ardayda iyo Gurigii Raktarka Jaamacadda, kuwaas oo ku yaalla Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Warqadda oo ku taariikheysan 11-ka Janaayo 2026, isla markaana loo diray hay’ado kala duwan oo ay ka mid yihiin Booliska Gobolka Banaadir, Maamulka Gobolka, Xeer Ilaaliyaha Guud, Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa si cad u sheegtay in dhulkaasi yahay hanti qaran oo sharci ahaan u diiwaangashan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, isla markaana aan cid gaar ah loo oggolaan karin inay ku takri-fasho ama si sharci-darro ah u qabsato.
Xafiiska Garyaqaanka Guud ayaa xusay in falalka lagu hayo dhulkaasi ay si toos ah uga hor imaanayaan xeerarka dalka, gaar ahaan qodobada la xiriira ilaalinta hantida danta guud, isagoo ka digay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo sii wada boobka, burburinta ama isticmaalka sharci-darrada ah ee dhulka Jaamacadda.
Warqadda ayaa sidoo kale amartay hay’adaha ammaanka iyo kuwa garsoorka inay si degdeg ah u joojiyaan falalkaas, isla markaana ay ilaaliyaan dhulka iyo dhismayaasha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Dhanka kale, warkan ayaa imanaya xilli meelo badan oo ka mid ah dhulalka ay leedahay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed kuwa ku yaalla degmooyin kala duwan oo Muqdisho ah horey loogu eedeeyay in boob iyo ku-xadgudub loo geystay, taas oo saameyn weyn ku yeelatay adeegii waxbarasho, hoygii ardayda iyo kaabeyaashii muhiimka u ahaa Jaamacadda.
Sidoo kale, warkan wuxuu ku soo aadayaa xilli dhulal badan oo danta guud ah sida xarumo dowladeed, iskuullo, isbitaallo iyo jaamacado ku yaalla caasimadda iyo gobollada dalka lagu eedeeyay in si sharci-darro ah loo qabsaday, iyadoo marar badan ay jireen amarro iyo digniino kasoo baxay dowladda, balse aan si buuxda loo hirgelin.
Ilaa iyo hadda ma cadda tallaabada xigta ee uu qaadi doono Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo in digniintan ay u gudbi doonto howlgallo dhab ah oo lagu soo celinayo dhulka la boobay, ama ay ku ekaan doonto warqado iyo baaqyo sharci.
Horey siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa ka digay in la joojiyo dhul boobka lagu hayo xaruntii Kuliyadda Tababarka Abaanduulka ciidanka ee Axmed Gurey ee dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybaha xaruntii Jiifka Ardayda iyo Kulliyadda Caafimaadka.



