Garoonka Diyaaraddaha Magaalada Kismaayo oo la xiray 22 Bishaan ayaa maanta ugu dambeyntii dib loo furay, waxaa sidoo kale la furay wadooyinka soo gala Magaalada Kismaayo oo xirnaa, islamarkaana uu sameyn ku yeeshay Amarkii lagu xiray Cirka, dhulka iyo Badda Magaalada Kismaayo.
Garoonka magaalada Kismaayo iyo xarumaha dowladda ayaa dib u shaqa bilaabay waxaana magaalada laga dareemaya jawi daganaansho ka dib markii ay magaalada ka dhaceen dibad baxyo lagu taageerayay dib u doorashada Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo kuwo lagu taageerayay Musharaxiinta Mucaaradka ah.
Garoonka ayaa maanta si rasmi ah u shaqo bilaabay,waxaana lagu waddaa maanta in ay taggaan Wafdi ka socda Qaramada Midoobe iyo AMISOM.



