Garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne oo xirmay

Garoonka Diyaaradaha magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan (Ugaas Khaliif) ayaa maanta shaqooyinkiisa ay hakad galeen, kadib markii ay fariisteen biyihii ka dhashay Roobab saacadihii la soo dhaafay ka Da’ay Magaalada.

In Garoonka Diyaaradaha magaalada Beledweyne uu xirmo ayaa waxaa sabab u ah dib u dhis aan lagu sameyn Garoonka oo mudo badan aan la dayactirin iyo wadooyinka soo gala Garoonka oo ay xireen biyo.

“Runtii roobkii ka da’ay Magaalada  iyo Carro ayaa xiray Garoonka diyaaradaha Baladweyne Maanta ma ahan mid Shaqeeynaya, qofkii Xamar u socda Gaari ayuu Guriceel ku tegayaa si uu Diyaarad uga soo raaco ayuu yiri qof ka mid ah dadka reer Beledweyne.

Sanad kasta markii uu da’o Roobka  ayaa waxaa gebi ahaanba xirma garoonka Diyaaradaha Magalada Beledweyne oo aan wax diyaarad ah kusoo degin,kadib markii ay galaan biyo farabadan.