Cayaaryahan Gareth Bale ayaa ku faraxsan in tababarkii ugu dambeeyay kooxdiisa inuu la qaatay kuna soo laabtay xaalad caafimaad.
Gareth Bale ayaa ku kalsoon inuu Real Madrid u cayaari karo kulanka Las Palmas ay wajahayaan madaama afartii maalmood ugu dambeesay xidigaan tababar dhameestiran sameenayay.
Bale oo 28-jir ah suura gal uma ahan kulanka Axada in lagu soo bilaabo balse qorshihiisa wuxuu yahay inuu badal kusoo galo kadibna asigoo diyaarsan uu cayaaro kulamada xulkiisa Wales cayaarayaan todobaadka dambe.
Dani Carvajal iyo Raphael Varane kooxda ayay tababarka la qaateen ayadoo rajo laga qabo Varane inuu Axada cayaari karo balse Carvajal weli xaaladiisa diyaarin ayaa lagu wadaa.



