Ganacsato lagu dilay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir

Wararka ka imaanaya Xaafada Oodweyne ee degmada Deyniile ayaa sheegaya in la dilay sadax qof oo ganacsato  ah .

Kooxo Hubeysan ayaa la sheegay in   Ganacsataad ay ku dileen Goobo Ganacsi oo ay ku lahayeen degmadaas

Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in ganacsatadaan loo dilay sababo la xariiraKaamera CCTV  ay ku xireen  goobahooda ganacsi .

Lama oga illaa hadda Heybta kooxda dilka geysatay, balse Alshabaab ayaa dhawaan Qaraxyo ku xiray Goobo Ganacsi oo lagu xiray  Kaamiro Qaraxyadaas oo sababay in ay Gubtaan Xarumahaas oo ku yaalla  degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.