DHAGEYSO: Ganacsatada Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay maalgashiga ganacsi ee Turkiga

Gudoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliya C/kariin Gabayre oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu ka hadlay maalgashiga dowladda Turkiga iyo ganacsatadeeda ay ku sameysanayaan dalka Soomaaliya.

Waxaana uu xusay in taasi ay tahay mid hormar u horseedeysa Soomaaliya waxaa gudoomiyuhu uu intaasi ku daray in ganacsatada Turkiga iyo dowladda Turkiga ee maalgashiga ku sameynaya Soomaaliya ay kaalin weyn ka qaadaneyso hormarka dhaqaale ee dalka,Islamarkaana loo baahan yahay in ganacsatada ay ka faa,ideestaan.

Dhowaan shir ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa heshiis ku kala saxiixday ganacsato Soomaaliyeed iyo ganacsato metelaysa dowladda Turkiga iyadoo qodobada heshiiska ku jira ay ka mid ahayd in maalgashi lagu sameeyo dalka Soomaaliya.