Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali jeeyte Cismaan ayaa Deeq taakula ah oo lagu garab Istaagayo howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab kala wareeygay masuuliyiinta Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo guriceel ee Dowlad Gobaleedka Galmudug oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Galmudug.
Gudoomiye Cali Jeeyte Cismaan ayaa uga mahadceliyey tageerada wanaagsan ee joogtada Ah asigoo xusay ineeysan aheyn markii koowaad Ee ay qeyb iyo garab istaagid aay ka qaatan reer Galmudug howlgaladda ka dhanka Al-shabaab ee Looga xureeynayo Deeganada Gobalka Hiiraan.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali jeeyte Cismaan ayaa xusay in cid walbo oo Tageero u muujiso xiligaan adag Shacabka reer hiiraan ay Baal dahab ah ugu qornaan doonaan.
Sidoo kale gudoomiyaha ayaa xusay in dadaalada Howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ay meelo gabogabo ah marayaan Shacabiga Deeganada laga saarayna ay helayaan dhamaan adeegyadii Dadweynaha iyo sidii Dib loogu abuuri lahaa Hormarkii Deegaanka ee burburay.



