Ciidamada Booliska dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta xabsi ku yaalla Magaalada Gaalkacyo kasii daayay Wariye Hanad Cabdi Faarax oo ah Agaasimaha Idaacadda Codka Mudug.
Wariyeyaasha gobolka Mudug ayaa xaqiijiyay sii deynta Wariye Hanad oo Saddex maalmood ku xirnaa Magaalada Gaalkacyo.
Ciidamada Booliska Galmudug ayaa xiray Agaasimaha Radio Codka Mudug subaxnimadii Janaayo 12-keedii ka dib markii ay ku eedeeyeen in uu wax ka oggaa banaanbax looga soo horjeeday Madaxweyne Farmaajo.
Ma jirin wax maxkamad ah oo lasoo taagay intii uu xirnaa, waxaana la xirnaa Ganacsato laga yaqaano Koonfurta Gaalkacyo.
Ammaanka Magaalada Gaalkacyo ayaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn loo adkeeyay, maadaama uu booqasho ku tagay Madaxweyne Farmaajo, waxaana ciidamada ay xireen cid kaste oo tuhun amni daro uu soo galay.



